Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Faahfaahin: Bam xalay lagu weeraray xarun Wasaaradeed oo ku taalla Somaliland

Weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa xalay lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyada Somaliland ku leedahay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Weerarka bambaano ayaa waxaa sida la sheegay ku dhaawacmay mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee Xarunta ku sugnaa sidoo kale qeyb kamid ah darbiga kore ee Wasaaradda waxaa soo gaaray burbur.

“Xalay saqdii Abaare 11:50 habeenimo waxa aan maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga noogu soo daatay” ayuu yiri goob jooge ka tirsan dadka degaanka oo saxaafada la hadlay.

Ciidamada Booliska ayaa wada tan iyo xalay howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkan oo noociisa aan looga baran degaanada Somaliland.

Maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada kama hadlin falkan, mana cadda cida ka dambeysay balse degmadaas ayaa waxaa mudooyinkan ku soo laalaabtay dhaqdhaqaaqyo lagu diidan yahay maamulka Madaxweyne Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalo Taariikhi ah oo lo qorsheenayo in uu ka dhaco feerka Elon Musk iyo Mark Zuckerberg

Cabdi Cade

Laftagareen oo xariga jaray dhismaha Mashruuc cusub, Mid kalena dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo codsaday in uu la kulmo Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---