Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii caawa u furmi lahaa madaxda DF, Jubbaland & Puntand oo baaqday (Sababta)

Waxaa dib u dhacay shirkii caawa la filayay inuu Villa Somalia uga furmo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxtooyada Somalia.

Shirka ayaa looga hadlayaa sidii sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3, ayna qeybtooda uga qeyb qaadan lahaayeen sidii loo heli lahaa doorasho la isku raacsan yahay.

Warka ayaa intaas ku daraya in sababta shirku u baaqday ay tahay shuruud ka timid Madaxweynaha Jubbaland oo in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay gobolka Gedo.

Madaxtooyada Somalia ayaa galabta shaacisay in caawa shirku furmayo, arrintaas ayaan haatan dhicin, waxaana socda kulamo hoose oo lagu xalinayo tabashada iyo shuruuda Jubbaland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin kulan saacado qaatay ku yeeshay Myqdisho, iyadoo arrinta Gobolka Gedo ay ka mid tahay waxyaabaha laga hadlay, faahfaahina lagama bixin natiijada kulankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar katirsan dowladda oo dhibaato u geesanayay Shacabka Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade

Ciidamadii ugu dambeeyey ee Maraykanka oo Afghanistan ka baxay & Kabul oo dabaaldegaysa

Caydiid Ali

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---