Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hantida dad lagu tuhmay iney maalgelin ku taageeraan Al-Shabaab oo la xanibay

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa amray in la xayiro hantida iyo lacagaha bangiyada ugu jira  9 muwaadin oo Kenya u dhashay

Kooxdan ayaa lala xiriirinayaa iney lug leeyihiin falal argagaxisanimo.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in talaabadan lagu curyaaminayo shaqada argagaxisadu ka heyso gudaha dalkaas.

Dadka xayiraada la saaray ayaa kala ah, Halima Ali, Waleed Zein, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Muktar Ali iyo Mire Elmi.

Waxaa uu sheegay in sagaalka qof ay ku socdaan baaritaano la xiriiro tuhunkalaga qabo, hadii dembi lagu helana xabsiga la dhigayo si loo maxkamadeeyo.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia oo dalkaas ka geystay sanadihii la soo dhaafay weeraro qaarkood uu dhiig badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Bangi kuyaalla Mareykanka oo musalafay iyo keydkii Macaamiisha oo lala wareegay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Raisul wasaaraha Somalia iyo Danjire James Swan?

Caydiid Ali

Itoobiya oo Xabsiga kasii deysay Maxaabiis badan oo katirsan ONLF (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---