Allbanaadir.com
NEWS

Ilaada Madaxweynaha Puntland oo awoodooda kusoo bandhigay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland usoo raacay magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay dhoolo tus ay kusoo bandhigayeen tayadooda iyo sidoo kale nuucyada kala duwan ee hubka ay wataan.

Ciidamada ilaalada ah uu wato Madaxweynaha Puntland ayaa ku hubeesan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho la siiyay gaadiid nuuca dagaalka ah oo ay adeegsan doonaan inta ay joogaan Muqdisho.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa horey usoo watay ciidamo badan oo aad u hubeesan, waxa ayna ciidamadan si gaar ah u ilaalinayaan goobaha la dejiyay iyaga oo sidii kale goobaha ay tagayaan u raaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Waa nasiib daro in shacabka Muqdisho aysan si xor ah jidadka u mari karin”

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo xanibaad safar ku soo rogtay Jen. Xuud & Cali Guudlaawe oo bilaabay..

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni uu iibsaday Hoteelka Sarova Stanley ee Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---