Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Falastiiniyiin badan oo maanta la laayay Xili Safaarada Mareykanka Qudus laga furayay 

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa maanta laayay Falastiiniyiin badan oo ka qeyb qaadanayay banaan baxyo looga soo horjeeday Safaarada dowlada Mareykanka maanta ka furaneysay magaalada Qudus.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Safaarada Mareykanka ka furaneyso magaalada Barakeesan ee Qudus, waxa ayna Dibad baxayaasha ku qeylinayeen Ereyo ka dhan ah Yahuuda iyo Mareykanka.

Ciidamada Israa’il ayaa toogasho ku dilay 37-qof oo Falastiiniyiin ah, halka la dhaawacay in ka badan 900-qof oo Falastiniiyiin ah,  waxaana dadka Ciidamada Israa’il laayeen ku jira Caruur iyo haween.

Dad ka badan 35 Kun qof oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta ka qeyb galayay banaan baxa ka dhacay Marinka Gaza, waxa ayna dibad baxayaasha ka careesnaayeen Safaarada Mareykanka maanta ka furteen Qudus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Degmooyin ka sameeyay Kormeer Amni xaqiijin ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanada DF ee Puntland ka soo jeeda?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---