Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Muqdisho oo la sheegay in uu aarsi u yahay kii ka dhacay Masar 1997-dii !!

Magaalada Muqdisho ayaa maanta la filayaa in shir uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland, shirkan ayaana looga hadli doonaa aayaha dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo qodobo kale.
 
Sadexda Masuul ee shirka ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa kasoo wada jeeda Beesha Daarood, hasa ahaatee Madaxdan ayaa siyaasad ahaan ku kala duwan mid walbana uu wato damac isaga u gaar ah.
 
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in shirkan ka furmaya magaalada Muqdisho uu lamid yahay mid Masar ka dhacay sanadkii 1997-dii.
 
Waxa uu xusay in shirkan uu aragti ahaan u eg yahay kii Masar ka dhacay 23-sano kahor ee Cali Mahdi iyo Xuseen Ceydiid lagula gor gortamay in ay kala qaataan xilalka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.
 
”Shirka Muqdisho ka socda waxuu aarsi u yahay ama u aragti egyahay shirkii 1997 lagu qabtay dalka Masar magaladda Qaahiro ee madaxweyne Cali Mahdi iyo Xuseen Ceydiid lagula gorgortamaay quf madaxweyne ha qaato midne raisulwasaare ,Stop kala aarsiga Soomaliyeey.” ayuu ku yiri Qoraal Daahir Jeesow soo dhigay barta Facebooka.
 
Shirkan Muqdisho uga furmaya Sadexdan Hogaamiye ee halka beel kasoo wada jeeda ayaana shaki badan laga muujiyay, waxaana dad badan isweediinayaan sida ay suurto gal u noqon karto in qodobo masiiri ah ku heshiiyaan sadexdan Hogaamiye ee isku dhinaca ah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo beri yeelanaya kulan shaki badan uu ka taagan yahay

Caydiid Ali

Magacyadii kooxdii hormuudka u aheyd weerarkii Buulamareer oo la shaaciyay iyo Ajnabi ku jira

Cabdi Cade

Mukhtaar Roobow oo arrin muhiim ah kala hadlay Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---