Allbanaadir.com
NEWS

Innaga iyo Yar yarka :Magaca Al Shabaab oo lagu baado dhalinyarada aada dalka Kenya

Hoosta waxba ha iigu qaban. Kaama hadlayo adiga. Kamana hadlayo aniga. Waxna kama ogi iyaga. Waxna nooma oga iyagana.

Oo waa yaabe; maxaan kuugu afeefanayaa marka?!

Sababtoo ah waxaan ogahay inaad durba maskaxda u xawishay meeshii loo badnaa malaheeda.

Ha walwalin. Wax daran sheeg kuma ihi iyaga. Waxaase aan doonayaa inaan caddeeyo saameynta aan la wada ogeyn oo ay nolosheenna ku leeyihiin.

Qaraxyada iyo dagaallada dalka ka jira waxay go’aamiyaan mararka qaar nolol iyo geeri. Qof baa lagu tiriyaa mowtada; mid kalana waxaa loo fishaa inuu ka badbaaday. Hayeeshe, waxa aan rabo inaan sheego waa qeyb kale oo dhalinyarada Somaaliyeed kamid ah – halkay doonaan haka joogeen dhulka Somaalida – kuwaas oo dhibanayaal u ah laba dhinac oo midna aanu soo dhaweyn iyo damqasho u lahayn kuwo u aafoobaya ficilladooda.

Ka dhalinyaro ahaan, marka oraahda Carbeed lagu fasiro ereygaas, dhammaanteen waxaan nahay dhalinyaro. Haa dhalinyaro. Laakiin gebigeen mawada lihin hal aragti. Isku fikir kama nihin wax walba. Ficiladeennu aad bay isku weydaaran yihiin. Mararka qaar, waxaynu isku nahay sabab oo innagaa is-dilna; marna waxaynu wadaagnaa soorta oo innagaa is bixina oo gacal is-fahmaya iyo garab isku ah. Waxaa dhab ah inaan qeybsano riyooyin iyo rejooyin dhaxalgal u ah mustabqalkeenna.

Isku dumanka iyo iskaashiga dhalinyaro Somaaliyeed oo u midowda hadaf kaliya – taariikhdeenna ma ahan mid ku cusub – wejiguu doono hayeesho halgankoodaas, laakiin marwalba waxay ahayd dabiici in bulshada laga dhex helo da’yar u geyfan hir-gelinta yool qura. Laga soo bilaabo halgankii SYL ilaa joogadeenna maanta, waxaa jira ururo dhalinyaro oo u dhisan

gaarista iyo xaqiijinta ahdaafta isku dhow, balse qorshayaashooda ay u kala muhiimsan yihiin.

Hayeeshe, al-Shabaab maanta waa kuwo ugu xoogga badan ururradaas oo dhan. Dabcanna, waa kuwo aanay saameyntoodu ku sinneyn gudaha dalka, balse halis iyo qalqal ku abuuri kara dalalka aynu jaarka nahay.

Marwalba oo aynu ka hadlayno awoodda ay ku leeyihiin mandiqadda, micnaheedu ma ahan inaan diiradda saarnayno weerarada iyo duullaamada ay qaadaan iyo sida ay uga jibba-keenaan. Mana ahan taasu mowduuc aan wax badan ka aqaan. Hayeeshe, waxaan ogaaday ayaa ah in in badan oo dhalinyaradeenna kamid ah ay dhibanayaal u noqdeen falalkoodaas. Qaar badan ayaa xabsi ugu jira shaabadda al-Shabaab oo aanay maalinna meel ay joogaan tagin. Qaar kale ayaa loo dilay tuhun lala xiriirinayo xagooda; in kale waxaa saacado kooban iyo setimaanno xuriyadda looga qaadaa kaarkooda oo lagu xoqdo si ay u bixiyaan lacago baad ah oo ka dhigan madaxaaga isku furo – haddii kale waxaad tahay eedeysane lagu helay danbi argagaxisanimo.

Dhalinyarada Somaaliyeed ee xuduudaha ka tallaaba iyaga oo nolol iyo fursado kale oo ay malaha saluugeen inay ka dhex sameystaan dhulkooda ka baadigoobaya, waxay aalaaba ku dhacaan dabinkaas. Looma fiiriyo marxaladda ay ku jiraan iyo silaca ka muuqda. Waxaa loo arkaa ugaar siriqdii loogu tala-galay si sahlan ugu soo dhacday. Intaas kadibna, waxaa lagula dhaqmaa hadba sida loo furan karo. Xalaal-caleyk in badan waxay ku baxsadaan gorgortanka hore. In kale oo malaha moodaya sharcigu inuu sarreeyo ayaa si aan hagar lahayn u qota god dheer oo sida ay uga soo baxaan ay ku adkaan doonto. Ugu danbeyntii, waxay ku biya-shubtaan in maxkamad loo soo taago danbi aan jirin ama ay xabsiga ku cabaan liin dhanaan aysan weligoodba cunnada ku dhanaansan.

Ma ogi boqolkiiba inta ay ka yihiin al-Shabaab dhalinyarada Somaaliyeed, waxaase aan ogahay inay 100% saameyn ballaaran ku leeyihiin nolosha jiilka la nool – hanoqoto kuwo dalka jooga ama dowladaha deriska ah ku sugan.

Weerar walba oo ay ku ekeeyaan dowladda Kenya, waxaa rogaalkeeda laga jaraa qaxootiga iyo socotada Somaaliyeed oo ilaa Nairobi doonaya inay gaaraan. Iyada oo loo marayo ol’olaha la-dagaalanka argagaxisada, waxaa dhibanayaal badan oo rag iyo dumar isugu jira loo wax-yeelaa falal u muuqda aargudasho. Qaar badan waxaa lagu kacaa kufsi, jirdil muuqda, iyo toogasho. In kalana waxaa lagu ilaabaa xabsiga muddo dheer.

Way fududahay inaad dhayalsato kaalinta ay nolosheenna ku leeyihiin ururrada hubeysan – hanoqdeen al-Shabaab iyo kuwa ay duullaanka ku yihiin – marba haddii aadan meelna u dhaafin rugtaada ama uusan waayuhu wali kula kulmin labadaas dhinac midkood.

Hayeeshe, tani waa qisadayda. Waxaana kaaga sheeki karaa waaya’aragnimadayda. Hadda kahor horay umaan ogeyn silica heysta dhalinyarada Somaaliyeed oo iyaga oo socoto iska ah lagala dego gaariga, kadibna lagu soo oogo danbiyo aanay weligood gelin; lalana xiriiriyo urur aysan maalinna ka qeyb noqon.

Waa qeyb kamid ah dhibaatooyinka heysta Somaalida, in kuwo ku samata-baxa dagaallada ay dhibanayaal aan dhiman u noqdaan ficillada labada dhinac kasoo fula kuwaas oo mararka qaar nolosha jiil dhan burburinaya.

Maadaama dowladda Somaaliya ay dhawaanahan waddo qorshayaal ay Kenya kaga dalbanayso dhowr arrimood oo masiiri ah, waa muhiim in qeyb kamid ah lagu daro ilaalinta xuquuqda iyo xurriyadda qaxootiga Somaaliyeed ee xeryaha ku nool iyo Somaalida kale ee Nairobi ku dhaqan kuwaas oo aan damaanad ku heysan heysashada baasaboorka Somaaliga.

Waxaan soo jeedinaya in qunsuliyado dhowr ah safaaradda Somaalidu ka sameysato xeryaha qaxootiga iyo magaalooyinka waaweyn ee Waqooyi-bari Kenya sida Garissa, Wajeer iyo Mandera si qofka Somaaliga ah ee safarka ku jira loo mariyo baaritaan fudud; lagana kaalmeeyo baahiyaha dal-ku-galka iyo isku socodka labada dal.

Haddiise aysan taasi dhicin, dhalinyaro badan oo Somaaliyeed waxay wejihi doonaan mustabqal aan caddeyn, cabsi iyo bahdilaad joogto ah.

Qore: Zaki Hiraale. Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu yahay balanqaadka culus ee dowlada qatar u sameysay Somalia.

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo fariin u diray masuuliyiinta maamulka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Milkiilihii kooxda Leicester City oo shil diyaaradeed ku geeriyooday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---