Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanad Sawirkeeda loo adeegsaday Cunsuriyad iyo caro xoogan oo ka dhalatay !!

Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa fal cunsuriyad ah kula kacay Xildhibaanad madow oo katirsan Baarlamaanka dalkaasi , waxaan falkan si kulul u cambaareeyay Madaxda Faransiiska iyo siyaasiyiin badan.

Wargeyska Midigta fog ee Valeurs actuelles, ayaa sawirka Sawirka Xildhibaanad Ms Daniele Obono oo katirsan Baarlamaanka Faransiiska ku tilmaamay qof la adoonsaday, waxa uuna Wargeyska dadka Afrikaanta ah ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin adoonsiga.

Warbixinta lagu daabacay Wargeyskan ayaa la raaciyay sawirka Xildhibaanada oo qoorta bir ugu jirto, waxa uuna Wargeyska kala kulmay daabacada warbixintan cambaareyn badan oo kaga timid madax kala duwan iyo Siyaasiyiin caan ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo telfoon kula hadlay Xildhibaanada la cunsuriyeeyay ayaa si kulul u canbaareeyay warbixinta iyo sawirka Wargeyska lagu daabacay , waxa uuna tilmaamay in aan la aqbali karin nuuc walbo oo cunsuriyad ah.

Xildhibaanad Ms Daniele Obono oo kasoo jeeda dalka Gabon ayaa laga soo doortay deegaan katirsan magaalada Paris ee caasimada Faransiiska, waxa ayna guddoomiye ku xigeen ka tahay xisbiga garabka bidix ee barlamaanka Faransiiska.

Daniele Obono, ayaa sheegtay in sawirka wargeyska lagu daabacay uu bahdilaad weyn iyo aflagaado ku yahay qoyskeeda iyo awoowayaasheeda, waxa ayna ku tilmaantay kooxaha midigta fog kuwa duqomiin ah oon naxariis laheyn.

“Sawirkani wuxuu bahdilaad iyo aflagado ku yahay awoowayaashay, qoyskeyga iyo dhaqdhaqaaqeyga siyaasadeed, waxaana diyaar u ahay in aan la dagaalamo falalka cunsiriyada la xariirta, ayey tiri Daniele Obono.

Faransiiska ay kunool yihiin dad badan oo asal ahaan kasoo jeeda Qaarada Afrika ayaa marar badan la kulma cunsiriyad , waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi dhawaan wacad ku maray in uu la dagaalami doono falalka cunsuriyada ah ee lagu hayo dadka madow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Somalia Ma waxaa ku hordamaya Farmaajo & danwadaagta Yurubta Galbeed?

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo kormeeray Wadooyin kuyaalla Muqdisho oo Roobku biyo badan dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---