Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Mareykanka tababar siinaya Ciidamo cusub kamid noqonaya Danab

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa tababar looga furay dugsiga tababarada ciidamada Danab ee kuyaala garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan cusub ee tababarka loo furay ayaa waxaa kamid ah dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka,  kuwaa oo jecleestay in ay kamid noqdaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Saraakiil katirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo saraakiil kale oo Mareykan ah ayaa tababarka siinaya ciidamadan cusub ee loo diyaarinayo in ay kamid noqdaan Ciidamada Kumaandooska ee Danab .

Abaanduulaha Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Le Axmed C/laahi Nuur ayaa ciidamadan cusub kula dar daarmay in ay u dulqaataan tababarka adag ee mari doonaan .

Waxa uuna u sheegay in ciidankan looga baahan yahay marka ay tababarka soo dhameestaan in qeyb weyn ka qaataan xureynta deegaanada ay maamulaan Al Shabaab iyo bad baadinta dadka Soomaaliyeed oo ay dartooda hubka u qaateen in ay difaacaan.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab waxaa taageera dowlada Mareykanka oo tababar siisa, waxaana xarumaha ciidankan lagu tababaro ku sugan saraakiil iyo ciidamo Mareykanka ah oo taageero dhinacyo badan leh siiya ciidamadan.

Related posts

Farmaajo: “Siyaasiyiinta qeylinaya waa shaqo doon, waxay rabaan wixii ay dhadhamiyeen”(Sawirro)

Caydiid Ali

Isku day Afgembi oo ka socda Sudan iyo Ra’isul Wasaaraha dalkaasi oo xabsi Guri la galiyay

Cabdi Cade

(Akhriso) War murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha amniga Qaranka uga socday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---