Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta safar uu ku tagay magaalooyin katirsan Galmudug iyo Puntland kasoo laabtay ayaa sanado kadib galay qeybta VIP- Garoonka Aadan Cadde.
Qoraal uu soo saaray Siyaasigan ayuu ku sheegay in maanta nasiib u yeeshay in uu galo VIP-da garoonka Aadan Cadde , waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamo katirsan Jubbaland iyo Puntlans salaan u saareen.
Halkan ka akhriso Qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur uu uga hadlay arimo dhoor ah uu maanta la kulmay
Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah.
Ciidankii NISA iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen.
Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato in saamilay muhiim ah ay miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin.
Hal qolo ayaa u baahan in ay maanta cashar qaataan, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga.