Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo hal ujeedo ka lahaa isbadalka uu maanta sameeyay iyo Beel ka carootay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta isbadal ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa hal ujeedo ka lahaa isbadalkan uu maanta ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaana meesha ka saaray halkii Gudoomiye degmo oo beesha Direed gaar ahaan Jufada Biimaal ku laheyd gobolka Banaadir, waxaana xilka beeshaasi u magacaabay nin ku qabiil ah Cumar Filish oo kasoo jeeda Beesha Abgaal.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Dir gaar ahaan Biimaal ayaana si weyna uga carooday booskii ay beeshooda ku laheyd in laga qaado , waxa ayna siyaasiyiintan sheegeen in ay arintan kala xisaabtami doonaan Gudoomiyaha gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa xilka horey uga qaaday Gudoomiyihii degmada Shibis sidoo kale soo noqday Gudoomiyaha Dharkeenley  C/raxmaan Sayid Cali , waxa uuna ku eedeeyay in uu sameeyay Musuq maasuq.

Duqa Muqdisho ayaa in mudo ah ka shaqeenayay sidii uu meesha uga saari lahaa Gudoomiyaha Beesha Direed ku laheyd gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale la sheegay in uu wado qorshe meesha looga saarayo Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis oo iyana kasoo jeeda Beesha Daarood gaar ahaan Majeerteen.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa gudoomiyaal degmo ka siiyay gobolka Banaadir qabiilada Daarood iyo Dir, waxaana talaabadaasi u cuntami weysay Cumar Filish oo aaminsan in beeshiisa leedahay degmooyinkaasi beelaha kale la siiyay.

 

Related posts

Dowlada Afghanistan oo aqbashay shuruud Taliban ku xirtay iney wada hadlaan

Caydiid Ali

Shirka Wadatashiga Ururada Bulshada ee Qabyo qoraalka Sharciga Doorashada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Turkigu Somalia u soo dirayo boqolaal askari?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---