Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shir albaabada u xiran yahay ku leeyihiin Madaxda maamulada Jubbaland , Puntland iyo Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa markii ay soo gaareen garoonka Aadan Cadde kadib waxaa loo gudbiyay goob gaar ah ay shir kula leeyihiin Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto.
Sida aan wararka ku helnay Madaxda labada maamul iyo Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa kawada hadlaya shirka la filayo in magaalada Muqdisho kula yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo sidii uu shirkaasi u noqon lahaa mid miro dhala.
Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay kahor inta aysan soo aadin magaalada Muqdisho ka codsadeen wakiilada beesha Caalamka gaar ahaan Danjiraha Mareykanka in damaanad qaadaan hirgalinta waxa lagu heshiiyo.
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inta magaalada Muqdisho joogaan in kulamo la qaataan wakiilo kale oo katirsan beesha Caalamka iyo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com