Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saakay aad u hadal haya wadooyinka caasimada oo loo xiray imaanshaha labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka gaar ahaan kuwa beel ahaan xiga Madaxweyne Farmaajo.
Wadooyinka Muqdisho ayaan looga baran mudooyinkii lasoo dhaafay in loo xiro madaxda maamul goboleedyada caasimada imaanaya iyo masuuliyiinta kale, waxaasa maanta fajac la noqotay shacabka Muqdisho in wadooyinka loo xiro Deni iyo Axmed Madoobe.
Dadka Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay wadooyinka caasimada qaarkood oo la xiray lana soo dhigay ciidamo badan, waxaana dadku danta ku qasabtay in ay u lugeeyaan goobaha shaqo, goobaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada.
Goobaha fadhi ku dirirka iyo baraha bulshada ayaana aad loogu hadal hayaa hab dhaqankan cusub ee la timid dwlada Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan in wadooyinkii caasimada loo xiray labo Hogaamiye Goboleed.
Dadka qaarkood ayaa sheegay in la yaaban yihiin sababta dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo u kala fadileyso madaxda maamul goboleedyada qaarna wadooyinka ugu xireyso qaarna aambo la dareemeyn in ay caasimada yimaadeen.
” Aniga waxaan la yaabanahay in wadooyinkii Caasimada loo xiro labo Hogaamiye oo kasoo horjeeda maqaamka Caasimada iyo in matalaad hesho, waxa ay tani ceeb ku tahay Duqa Muqdisho oo ogolaaday in shacabka uu maamulo loo silciyo kuwa aan raali ka heyn xuquuqda Caasimada, ma garan karo sababta Deni iyo Axmed Madoobe uga duwan yihiin Madaxda maamulada kale mise Qabyaalad ayaa kala fadishay” ayuu yiri Oday kamid ah dadka Muqdisho.
Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay loo xiray Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kasoo horjeeda Maqaamka Muqdisho, waxa ayna labadan hogaamiye u imaanayaan Caasimada la kulanka Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com