Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo xariga ka jaray Xarunta Degmada Warta Nabadda oo dib u dhis ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Xaruntan ayaa si xun ugu burburtay qarax ismiidaamin ah oo ay dhowr bilood ka hor ay la beegsadeen Al-shabaab kaasoo sidoo kale geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Cumar Filish oo hadal ka jeediyey munaasabada xariga looga jarayey xaruntan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu u taagan yahay wax ka qabashada iyo horumarinta goobaha muhiimka ah ee bulshada loogu adeegayo.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa daahfuray maanta ololaha Talaalka Jadeecada iyo Dabeysha kaasoo si wadajir ah looga fulinayo egmooyinka gobolka Banaadir.
Daahfurka ololahaan waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS, madax ka socotay hey’ada caafimaadka aduunka W.H.O iyo qeybaha bulshada rayidka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com