Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo baaritaan culus ku sameyneysa Shirkadaha Isgaarsiinta

Somaliland ayaa maanta sheegtay inay bilaabayso baaritaan la xiriira halista Caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha Isgaarsiinta.

Qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan ayaa la sheegay in maamulku soo iibsaday, lana howlgeliyey.

Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, isla markaana lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta.

Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili ay horey u jireen cabashooyin iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badan aaminsan yihiin iney dhalin karaan cuduro halis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dhowr mar kufsaday Gabar uu dhalay 

Cabdi Cade

Dowladda Denmark oo ka hadashay xiisada ka dhalatay Heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi

Cabdi Cade

Booliiska Somaliland oo xiray 9 nin oo u dhalatay Imaaraatka iyo Sababta keenay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---