Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni iyo C/raxmaan C/Shakuur?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno safarkiisa ku weheliyay.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada Somalia iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo mudooyinkan khilaaf xooggan uu ka taagnaa sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow kulankaas.

“Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni. Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Deni iyo Shakuur ayaa ka mideysan iney mucaarad ku yihiin madaxda talada heysa ee dowlada Soomaaliya oo haatan muddo xileedkoodu gebagebada yahay

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maalmahan booqasho ku joogay magaalada Garowe, isagoo xalay khudbad ku saabsan siyaasada iyo xaalada Somalia ka jeediyey Machadka Cilmi baarista Puntland (PDRC).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo furmay (Sawirro)

admin

Taliska ciidanka Booliska oo War ka soo saaray dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Baxreyn oo u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Tel aviv iyo Israaiil oo ka jawaabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---