Allbanaadir.com
NEWS

Baacsiga Farmaajo ee Beesha Hawiye iyo Buugiisii Qalin Jebinta Xariir miyaa ka dhexeeya ?!!

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo horay mudo koobad Ra’iisul Wasaare usoo noqday ayaa xilligii uu ka qalin jebinayay qaybta labaad ee waxbarashada sare (master’s degree), waxuu qoray buug muran badan dhaliyay oo dadka qaar ay ku tilmaameen mid loo qoray naceyb uu u qabo beesha Hawiye.
 
Inkasta oo dadka qaar ay qabaan in xilligii Farmaajo buugaas qorayay uusan aaminsaneyn insuu siyaasi noqon doono buugiisuna uu saameyn xun ku yeelan doono, ayaa hadana ficilla xariir ah oo muda ku siman 40 maalmood dhacay waxay tusaaleynayaan in xilligii uu buuga qorayay uu madaxwynuhu uu ka dalay wax uu aaminsanaa walina aaminsanyahay ee aysan jirin wax si lama filaan ah uga dhacay.
 
 July 25, 2020, waxaa xafiiska baneeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, arrintaas oo wadada u furtay in madax kale oo kuraas muhiim ah ku fadhiday kana soo jeeda beesha Hawiye ay xafiiska ka tagaan qaarna iyaga oo jooga shaqadoodii ay dad kale la wareegaan.
 
Xil ka tegista Xasan Cali Khayre oo lama filaan aheyd waxay horseeday in si kumeel gaar ah shaqada loogu dhiibo ku-xigeenkiisii oo kasoo jeeda goballada waqooyi ee dalka, waxaana ku dhawaad afartan maalin kursigaas heysta beesha Direed, arrintaas oo hareer marsan awood qeybsiga dhismaha dowladnimo ee dalka. Madaxweyne Farmaajo Waxuu jeclaan lahaa in Mahdi Guuleed uu Ra’iisul Wasaare u ahaado inta ka harsan muda xileedka.
 
Inkasta oo xukuumadii dhacday ay wali shaqada sii heyso, hadana waxaan hadda shaqada qeyb ka aheyn wasiirkii Amniga gudaha Ducaale sababo la xariira inuu kasoo jeedo beesha Hawiye, sida dadka wax falanqeeya ay qabaan.
 
 Tan ugu daran ee lagu sameeyay beesha Hawiye ayaa ah in sii hayaha xukuumadda xil gaarsiintu uu sii hayaha wasiirka Dastuurka oo ay qaraabo yihiin uu ku daray guddigii ka tala bixinta hanaanka doorashooyinka, meeshana uu ka saaray wasiirkii arrimaha gudaha oo shaqadiisu aheyd ka shaqeynta doorashooyinka kadib markii uu ogaaday in madaxweyne Farmaajo uu diidanyahay in talada dalka ay qayb kasii ahaadaan Hawiye.
 
Agaasimihii madaxtooyada qaranka, Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo lagu tiriyo inuu kamid ahaa dadka aadka ugu dhaw farmaajo, ayaa isna shaqada ka tegay kadib markii uu qaati ka istaagay wadista shaqada xafiiska uu madaxda ka ahaa oo isu bedelay xafiis beeleed. Sababo la xariira xeerinta saaxiibtinimadii hore ee madaxweynaha, kama hadlin waxa ku qasbay inuu shaqadiisa ka tago. Xilkaas wali waa bannaanyahay waxaana ku shaqeysanaya qaraabada madaxweynaha.
 
La taliyihii amniga qaranka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalana ahaa madaxii tubta amngia, Liibaan Xuseen ayaa shaqada ka tegay kadib markii madaxtooyadu ay faragelin ku sameysay shaqada xafiiskiisa. Iscasilaadiisa kadib, waxaa shaqadii tubta amniga la wareegay Cabdi Siciid oo ah la taliyaha madaxweynaha.
 
Dhamaan dhibaatooyinkaas waxay beesha Hawiye ku dheceen wixii ka dambeeyay July 25, 2020 waxaana dadka qaar tilmaamayaan in arrintani ay xariir la leedahay buugii Hawiye naceybka ahaa ee Madaxweynuhu qoray xilligii jaamacadda uu ka qalin jebinayay.
F.G Shabakada Allbanaadir masuul kama ahan qormadan waxa ayna gaar u tahay qoraha ku saxiixan
W/Q Omar M Abdi
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Gaari waxyaabaha qarxa waday oo lagu qabtay gobolka Isio

Cabdi Cade

Madaxweyne aan weli xilka loo dhaarin oo ka badbaaday afgembi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay 17 milyan oo dollar iyo arrin deg deg ah oo wax looga qabanayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---