Diyaaradda Turkish Airlines oo siday 207 rakaab ah kuna wajahnayd dhinaca dalka Turkiga ayaa la kulantay cilada dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya, sida uu sheegay Maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.
Hay’adda ayaa intaas ku dartay in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyadoo eegeen injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo.
“Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka Itoobiya ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cadde iyadoo nabad qabta mana jirto halis hadda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay heyadda
Diyaaradda ayaa ugu dambeyn heyaddu sheegtay in loo hagaajiyay Xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo gaartay dalka Turkiga oo ay hore ugu socotay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com