Allbanaadir.com
NEWS

Saleebaan Xaglotoosiye oo ka hadlay xarig loo geestay Xaaskiisa iyo Cida uu ku tuhmayo

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland oo  Warbaahinta lahadlay ayaa Sheegay in magaalada Burco lagu Xidhay Xaaskiisa iyo Gaadhigiisa oo ay la socdeen Qoyskiisu, Kuwaasi oo uu sheegay inay kusii jeedeen Gobolka Sool.

Wuxuu eedaynta Xadhigaasi dusha uga tuuray Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Bixii Cabdi, Wuxuuna sheegay inaysan Jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeyay labadooda, Isagoo xusay inuu kamid ahaa dadkii Ololaha doorasha u galay.

Saleebaan ayaa sheegay inuu dhowr jeer la xidhiidhay Taliyaha Ciidamada Booliska Fadal, Kaasi oo sheegay inaanu dib ugu soo celin dhowr jeerna uu ku Damiyey Taleefanka.

Arintan ayaa kusoo Beegmaysa iyadoo Muuse Biixi Wasiirada Cusub ee uu ku dhowaaqay Shalay  uu iska dhex waayey Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, oo horay uga tirsanaa Wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo.

Halkan ka Dhageyso Wareysi laga qaaday Xaglotoosiye

https://www.youtube.com/watch?v=B8ZVx_hEyRQ&feature=youtu.be

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaafiic goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhaw dhaw

Cabdi Cade

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo furay Shirka Murusade Fariin culusna diray

Cabdi Cade

Madaxweynaha Mareykanka oo shaaciyey go’aan aysan ku farxin dowlada Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---