Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

CIA-da oo hakisay xogo sirdoon oo ay siin jirtay Congresska Maraykanka (Sababta)

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in hadda kaddib aysan mudanayaasha Congarska la wadaagi doonin, xogaha ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye uga iman karta doorashada madaxtinimo ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo bisha Novamber.

Madaxda ugu sarreysa xisbiga dimoqraadiga ee Koongareeska Mareykanka sida, afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo hogaamiyaha dimoqraadiyiinta laga tirada badanyahay ee golaha Senetka Chuck Schumer ayaa labaduba cambaareeyay go’aanka Hey’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka

SIWar laga soo saaray xafiiska Sirdoonka Qaranka, ayaa lagu sheegay in sababta ay u joojiyeen warbixinnada ay sii jireen Kongareska ay tahay, kaddib marki xogo xasaasi ahaa oo ku saabsanaa amniga doorashada la dusiyay, kaddibna la siyaasadeeyay.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Sirdoonka Qaranka ayaa xalay si toos ah ugu sheegay sharci-dejiyaasha iyo guddi hoosaadyo ka tirsan Congareska Mareykanka in xogaha sirdoon ee ku saabsan doorashada madaxtinimada ee saddexda November ay wali heli doonaan mudanayaasha balse ay noqon doonto hab ka duwan sidii hore.

Related posts

Saamaynta ka dhalanaysa $1.5 bilyan oo USA ka joojiyey Somalia

Caydiid Ali

Sargaal gacanta ku dhigay Drone qaraxyo waday oo saakay geeriyooday

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Ciidanka Nabad sugida oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---