Ciidamada booliiska maamulka Hirshabelle ayaa howlgal ay maanta sameeyeen waxa ay kusoo qabteen aabe wiil uu dhalay xalay ku dilay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle.
Sida aan wararka ku helnay Aabe lagu magacaabi Maxamed Dhayoow Aadan ayaa wiil dhalinyaro ah uu dhalay ka xir xiray lugaha iyo gacmaha waxa uuna kadib ku riday Wabigga Shabelle xili habeenimo ah .
Mid kamid ah ehelada wiilka Wabiga ku riday aabihiis ayaa sheegay in wiilkan uu aabihiis marar badan ka xaday xoolo kadibna uu suuqa geestay, waxaana la sheegay in aabaha ka carooday ficilada wiilkiisa sidaasna wabiga ugu riday isaga oo nool.
Ciidamada Booliiska maamulka Hirshabelle ayaana gacanta kusoo dhigay kuna xiray saldhiga booliiska aabaha dilay wiilkiisa, waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay magaalada Jowhar iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw.
Waalidka caruurtooda dilaya ayaana aheyn kuwa ku cusub magaalada Jowhar iyo deegaanada ku xeeraan, waxaana dhacdadii ugu dambeesay Aabe ku dilay wiilkiisa deegaanka Maandheere oo hoostaga magaalada Jowhar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com