Allbanaadir.com
NEWS

Qoor Qoor oo u kuurgalay sida ay u shaqeyso Wasaarada Maaliyadda Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaarada Maaliyadda maamulka Galmudug ee kutaala magaalada Dhuusomareeb.

Kormeerkan shaqo ee uu Madaxweynuhu ku tegey Wasaaradda Maaliyadda, ayaa ujeedadiisu aheyd u kuurgalidda shaqooyinka baaxada leh ee ka socda xarunta wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda mudane Farxaan Cali Maxamuud ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey Wasaaradda maaliayadda isagoona mid mid usoo tusay xafiisyada qeybaha ee wasaaradda.

Kaddib kormeerka, madaxweynaha ayaa kulan guud layeeshay wasiirka, agaasinka guud iyo dhammaan hawl wadeenada wasaaradda waxa uuna kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo sheegtay in la bur buriyay Maxkamad ay laheyd Al Shabaab ragna laga dilay

Cabdi Cade

Xaalad horseedi karta in si fudud ku dhintaan 5 bilyan oo qof oo la ogaaday !

Cabdi Cade

Ruushka oo Dagaalka Ukraine u adeegsanaya Gantaalo halis ah uu ka helay Kuuriyada Waqooyi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---