Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameesay inta badan jaamacadaha dalka ku yaala gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho, waxaana dowlada qorsheeneysaa in la xiro qaar kamid ah jaamacadahaasi.
Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradiisa dhamaadka sanadkan aab ku jirno ee 2020-ka ay soo saari doonto qiimeyn lagu sameeyay jaamacadaha dalka kuyaala.
Waxa uu sheegay Wasiirka in guddi gaar ah ka baaraan degayaan Jaamacadaha dalka u saareen in ay qiimeeyaan kuwa tayadoodu fiican tahay iyo kuwa ay liidato, waxa uuna cadeeyay in la xiri doono kuwa aan tayada laheyn halka kuwa kalana la isku biirin doono.
“Guddi gaar ah ayaa hubinaya tayada tacliinta Jaamacadaha, kuwa tayadoodu wanaagsan tahay waa ay sii shaqeynayaan, halka kuwa meelaha dhexdhexaad ah la isu biirinayo si awooddoodu mid loogu dhigo, balse Jaamacadaha aan duruustooda sugneen ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Goodax.
Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhaya, waxaana jaamacadaha qaar yihiin kuwa aan wax tayo ah laheyn balse loo furtay kaliya in dhaqaale laga sameeyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com