Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Hawiye oo ka shiray Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee …

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan magaalada Muqdisho ku yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye ee katirsan labada aqal ee katirsan Baarlamaanka federaalka iyo Siyaasiyiin.

Kulamadan ayaa inta badan looga arinsanayay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan qorshaha Madaxweyne Farmaajo ka damacsan yahay magacabais la’aanta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo saami ahaan u leedahay beesha Hawiye.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaana kulamadooda uga arinsaday sida ay aragti mideesan uga qaadan lahaayeen arintan gaar ahaan qorshaha Madaxweynaha ka leeyahay magacaabis la’aanta Ra’isul Wasaaraha.

Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa tuhun ka qaba in Madaxweyne Farmaajo doonayo in uusan soo magacaabin Ra’isul Wasaare taa badalkeedana uu Mahdi Guuleed kusii shaqeenayo bilooyinka harsan kusime ahaan.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta beesha Hawiye ee kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka arinsaday qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ku dooneyso in si dad badan mudo kororsi u sameesato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan wali soo magacaabin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha iska indho tiray xeerar lagu soo dhaqmi jiray ee ahaa in mudo bil gudaheed ah Madaxweynaha kusoo magacaabo xilka Ra’isul Wasaaraha.

Farmaajo ayaa la sheegay in ay ku adkaatay in uu Beesha Hawiye ka dhax helo Ra’isul Wasaare uu ku kalsoonaan karo sidoo kale aan ka hor imaan karin hamigiisa siyaasadeed ee ku aadan in mar kale talada dalka dib ugu soo laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Buurmadow oo goordhaw Xabsiga laga sii daayay kadib Cafis loo fidiyay

Cabdi Cade

Wasiir awood badan iyo saameyn ku lahaa Ruushka oo la xiray iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade

Xassan oo qaabilay Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---