Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo qaadaya Talaabo ka nixisay Itoobiya saameyn weyna ku yeelan karta

Dowlada Mareykanka ayaa wada qorshe ay ku hakineyso dhaqaalaha badan ay siiso dowlada Itoobiya, waxaana talaabadan sabab looga dhigayaa biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil oo khilaaf xoogan abuuray.

Wargeyska Foreign Policy ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa ku waramay in talaabadan dowlada Mareykanka ku hakineyso dhaqaalihii ay siin jirtay Itoobiya ay saameyn ku yeelan karto lacag gaareysa 130 Milyan Dollar oo Mareykanka ku taageero Itoobiya.

Qorshahan Mareykanka ku hakinayo dhaqaalaha uu siin jiray Xukuumada Adis Ababa ayaa waxaa meel mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, waxaana talaabadan laga yaabaa in uu xumeyso xiriirka Adis Ababa iyo Washigton.

Dhaqaalaha dowlada Mareykanka ka hakinayo xukuumada Adis Ababa ayaa saameyn ku yeelan kara dhinacyada ammaanka, la dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo ka hortagga tahriibka ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaana laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeelatao hadii dowlada Mareykanka dhaqal galiso hakinta dhaqaalahan ay siin jirtay Itoobiya, waxa ayna talaabadan saameyn doontaa buuxinta biyo xireenka ay wado dowlada Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa rumeesan in dowlada Maraykanka uga hiilineyso Dowlada Masar oo khilaaf kala dhaxeeyo sidoo kale dooneysa in heshiis laga gaaro buuxinta biyo xireenka.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ka dhistay Wabiga Niil, waxaana marar badan guul dareestay wadahadalo Mareykanka gadaal ka riixayay oo khilaafkan xal looga gaari lahaa.

Mareykanka ayaana doonaya in Itoobiya ku cadaadiyo dhaqaalaha uu siiyo si ay u ogolaato in heshiis laga gaaro buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil ee u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya Sudan iyo Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr. Dalmar oo la gudoonsiiyey Abaalmarinta Dhaqtarka sanadka ee Somali Nigth Award

Caydiid Ali

(Sawirro) Xamse oo Xus ka dhacay Muqdisho ka sheegay..

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq oo Shahaado qaatay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---