Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka Carabta oo qaaday Xayiraad adag oo horey u saareen Isra’il

Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhawaan heshiis lagu tilmaamay taariikhi la gashay maamulka Isra’il ayaa hadana qaaday talaabooyin u muuqda mid a ku wanaajineyso xiriirka cusub ee maamulkaasi kala dhaxeeya.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ahna amiirka magaalada Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa qaaday xayiraddii dhanka dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku hayay Israel sida ay ku warameen Warbaahinta Imaaraadka.

Xayiraadan Imaaraadka ka qaaday Isra’il ayaa dhabaha u xaareysa in labada dhinac yeeshaan xiriir dhanka ganacsiga sidoo kale heshiisyo waa weyn ay gaaraan shirkadaha gnaacsi ee labada dal.

Go’aanka ka soo baxay Imaaraadka ayaa ku soo beegmay xilli ay diyaarad sidata calanka Israel ee El Al Israel ay isu diyaarineyso duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala duuli doonto magaalooyinka Tel Aviv iyo Abu Dhabi.

Dowlada Mareykanka ayaa gacan weyn ka geesatay sidii heshiis u dhax mari lahaa Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Isra’il, si meesha looga saaro colaada ay wadamada Carabta u qabaan maamulka isra’il ee xooga ku heesta dhulka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada weerar lagu dilay todobo qof uu ku jiro nin Shiinees ah

Cabdi Cade

Fiqi oo War cusub ka soo saaray musiibadii ka dhacday..

Caydiid Ali

Tartanka Super League oo fashilmay kadib markii ay ka baxeen Kooxihii Ingiriiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---