Al Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe kusoo bandhigtay sargaal ay sheegeen in uu kasoo goostay ciidanka maamulka Jubbaland.
Sargaalkan Al Shabaab soo bandhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Kheyre Xuseen , waxa uuna in mudo ah kamid ahaa ciidamada maamulka Jubbaland.
Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalkan kasoo goostay ciidanka Jubbaland tabaro kusoo qaatay dalka dibadiisa, waxa ayna tilmaameen in isaga oo hubkiisa wata isku soo dhiibay.
Xasan Kheyre Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegay in uu soo arkay dhibaatooyin badan oo ciidamada Kenya iyo Itoobiya ku hayaan shacabka una dulqaadan waayay.
Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin sargaalkan la sheegay in uu xagooda kasoo goostay iskuna dhiibay dhinaca Al Shabaab .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com