Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho iyo xog ku aadan halka la dejinayo

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland beri oo Axad ah kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay kulamo ula qaataan Madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdi horu dhac u ah labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaa oo diyaarinaya goobihii ay degi lahaayeen Madaxdaasi iyo gaadiidkii garoonka looga soo qaadi lahaa.

Madaxda labada maamul ayaana sida aan wararka ku helnay loo diyaarinayaa guryo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaasi ay degi doonaan iyaga iyo wafdiga la socda dhoorka maalin ay joogaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya si ay shir ula yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya ugana wada hadlaan arimaha doorashada.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan horey uga qeyb galin shirkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxa ay sidoo kale labadan maamul kasoo horjeesteen natiijadi kasoo baxday shirka Dhuusomareeb 3.

 

Related posts

Ciidanka NISA oo Muqdisho ku qabtay Xubin katirsan Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

Golaha amaanka QM oo qaraar soo saaray & heerka Biyaha webga Nile oo hoos u dhacay

Caydiid Ali

Maxay Cumar Filish & Ku-xigeenadiisa ku soo arkeen degmada Dayniile? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---