Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay xeer muhiim ah oo la horkeenay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland shir ku yeeshay golaha Wasiirada Puntland, shirkan ayaana intii uu socday lagu ansixiyay xeer Wasiirada la hoekeenay sidoo kale looga dooday qodobo kale.

Shirka Golaha Xukuumadda  Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha maamulkaasi , Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland oo gollaha la horkeenay.

Wasiirada ayaana dood kadib xeerkan si gacan taag ah u ansixiyay, waxaana xeerka Isgaarsiinta Puntland laga soo shaqeenayay in mudo ah iyadoona ugu dambeyn golaha wasiirada maanta meel mariyeen.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga Jawaabay Xildhibaan dil ugu hanjabay

Cabdi Cade

Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo fariin muhiim ah u diray shaqaalaha Soomaaliyed

Caydiid Ali

(Akhriso) Qabiilada iyo Magacyada Golaha wasiirada cusub ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---