Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu raadinayo Ra’isul Wasaare aan nuuciisa la arkeyn !!

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku guul dareesatay in mudo 30 cisho gudaheed ah kusoo magacaabo  Ra’isul Wasaarihii badali lahaa Xasan Cali Kheyre xilka laga tuuray.

Farmaajo ayaa raadinaya Ra’isul Wasaare uu ku kalsoonaan karo dhoorka bilood ee ka harsan mudo xileedka dowlada, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha doonayaa Ra’isul Wasaare aan damac badan oon siyaasad laheyn kana shaqeyn kara soo noqoshadiisa.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggidda Somaliya Cabdulaahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku xagudbay dastuurka maadaama uu ku guul dareestay in 30-cisho kusoo magacaabo Ra’isul Wasaaraha.

Sambaloolshe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu raadinayo Ra’isul Wasaare ka duwan kuwii hore , waxa uuna xusay in uu raadinayo Farmaajo Ra’isul Wasaare gadaal dambe Indhao ku leh taa uu sheegay in suurto gal aheyn in la helo .

” Madaxweynihu waxa uu ku xadgudbay dastuurka waxa uuna ku guul dareestay in 30-cisho kusoo magacaabo Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna raadinayaa Madaxweynaha Raisul Wasaare gadaal indho ku leh oon la heleyn” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Madaxweyne Farmaajo ayaan wali soo helin Ra’isul Wasaare Xukuumad cusub soo dhisa, waxaana jira tuhuno dadka qaar qabaan oo sheegayaan in Madaxweynaha doonayo in xilka Ra’isul Wasaaraha sii hayo kasii ahaado Mahdi Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo ka farxiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Hirshabelle

Caydiid Ali

Shiikh Cali dheere oo digniin culus u diray dadka ku howlan doorashada Somalia

Caydiid Ali

Israa’iiliyiin xog xasaasi ah siinayay Sirdoonka Iran oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---