Allbanaadir.com
NEWS

Labo dowlad oo ka arinsaday sida Al Shabaab looga soo bad baadin karo labo Dhaqtar oo …

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa ka arinsaday sida ugu macquulkasan ee looga soo bad baadin karo gacanta kooxda Al Shabaab labo dhaqtar oo u dhalatay Cuba oo mudo dheer afduub ahaan u heestaan kooxdaasi.

Wasiirada arimaha dibadda Kenya iyo Cuba oo khadka telfoonka kuwada hadlay ayaa iska wareestay sida ugu macquulsan ay gacan uga geesan karaan in dib xuriyadooda u helaan labada dhaqtar ee kooxda Al Shabaab gacanta ugu jira.

Wadahadalka ay yeesheen labada dowladood ayaa la sheegay in waqti la geliyay sida ugu fudud ee loosoo afjari karo afduubka sanadka iyo afarta bilood ah oo ay ku gacan jiraan dhaqaatiirta Cuba u dhalatay ee laga afduubtay gudaha Kenya.

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa ku guul dareestay isku dayo ay marar badan doonayeen in ay kusoo furtaan labada dhaqtar ee u afduuban kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowlada Cuba horey u diiday in lacag madax furasho ah ka bixiso dhaqaatiirtaasi.

Al shabaab ayaa 12-kii April ee sanadkii hore gudaha Kenya ka afduubatay Assel Herrea Correa oo taqasusay cudurada guud iyo Landy Rodriguez Hernandez oo isna ahaa dhaqtar sameeya Qaliinada .

Al Shabaab ayaana la ogeyn halka ay ku hayaan dhaqaatiirsan u afduuban, waxaana marar badan ciidamada Kenya ee jooga deegaanada Jubbaland weeraro ku qaadeen goobo lagu sheegay in dhaqaatiirtan lagu hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika

Caydiid Ali

Askari lagu dilay Muqdisho & ciidanka Booliska oo qabtay ninkii dilka geystay

Caydiid Ali

Kiisaskii ugu badnaa ee cudurka COVID-19 oo laga helay dalalka Itoobiya iyo Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---