Allbanaadir.com
NEWS

Weerar qorsheesan oo lagu qaaday Guri uu ku dhuumanayay Maxamud Ezzat

Ciidamada dowlada Masar ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar waxa ay kusoo qabteen Maxamud Ezzat, oo ahaa ku simaha Hogaamiyaha Ururka Masar laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha guddaha Masar ayaa lagu sheegay in ciidamada weerar ku qaadeen guri uu ku dhuumanayay Maxamuud Ezzat oo kuyaala degmada shanaad ee magaalada Qaahira.

Ezzat ayaa ahaa nin saameyn ku leh ururka Ikhwaanul Muslimiin , waxaana gudaha dhaqdhaqaaqa looga arka nin ad-adag. Waxa uu noqday ku-simaha hogaamiyaha ururkaasi ka dib markii  la xiray bishii Ogosto ee 2013-kii Hogaamiyihii Ururkaasi Mohamed Badie.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed qarsoodi ah intii uu socday qabashadiisa, iyadoo sheegtay in Ezzat lagu tuhunsan yahay in uu kormeerayay dhowr dilal ama isku dayo dilal iyo sidoo kale qaraxyo tan iyo 2013-kii.

Dowlada Masar ayaa markii xilka laga tuuray dowladii ay hogaaminayeen Ikhwaanul muslimiin ururkaasi ku dartay liiska argagaxisada, waxaana xabsi loo taxaabay Hogaamiyaashii ururkaasi iyo dad badan oo xubno ka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Shiikh Shariif ka wadaa Muqdisho & Wararkii u danbeeyay dagaal ka dhacay..

admin

Hantidhowrka Qaranka oo Baarlamaanka labada Aqal u gudbiyay Warbixinta baarista …

Cabdi Cade

Sideed qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday Qarax iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---