Been kuma hadal kuwii yiri: magaalo xuduud baa laga degaa ama xeeb. Waayo magaaladani waxay dhammeystiri kartaa dhammaanba baahiyaha aas-aasiga ah iyo kuwa dheeriga ah oo qof walba u baahan yahay.
Maalintaydii koowaad oo aan kasoo galay dhanka xadka dalku kala wadaago Kenya, waxaa aad iiga yaabiyay is-beddelka dhismo iyo degaan ahaaneed ee ku dhacay magaalka muddo ka yar 10 sanno. Waxay ahayd sannadkii 2013-ka markii iigu danbeysay oo aan halkan ka raaco gaari u anba-baxaya Xamar. Waxaan si sugan u haleeli waayay goobtii aan waagaas ku degay kana raacay baabuurka.
Oo maxaan ula yaabayaa is-beddelkaas?! Ugu yaraan wax walba oo kamid ah nolosha magaaladani waxaa ku darsamay dheeraad. Way adag tahay inaad si sahlan muuqaalkii shalay uga soo dhxe bixiso xowliga dhismayaasha iyo kobaca degaaneed ee magaalada ka jira.
Dhoobleey waxay dhacdaa cirifka laba raas-kambooni ee docda koofureed ee dalka. Waxaa ka jira ganacsi aan kaliya u furneyn gudaha, balse sidoo kale toos uga yimaada dalka Kenya.
Barta ay ku taal iyo dakhliga kasoo xerooda canshuur ahaan waxay siinaysaa ahmiyad istiraatiijiyadeed. Nolosha ka jirtana ma ahan mid adag. Gaadiidka ayaa maalinle isaga kala gudba – xuduud-ka-xuduud – iyaga oo sida rakaab u socda ama ka yimid dalka intiisa kale. Dhawaanshiyaha ay kaabiga ku heyso xeryaha qaxootiga ayaa sidoo kale ka dhigaysa kob lagu nasto iyo negaadi hadiyo jeer u furan qaabilaadda socotada iyo safarka. Waxaa yaabka leh ayaa ah in boosteejooyinka magaalada aanay kaliya ku xirneyn Xamar iyo Jubbooyinka, balse ay jiraan kuwa kale oo kala aada Hargeysa, Gaalkacyo, Wajeer iyo xeryaha Qaxootiga iyo wixii la halmaala.
Ganacsigeedu wuxuu ilaa xad ku socdaa kobac aad u sarreeya, nuuc walba oo kamid ah ka-ganacsiga maadiga iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah sida korontada, internetka xarumo warbaahineed iyo wixii la mid ah ayaa ku jira heer sarreeya. Maan fileyn xaqiiqdii inay xattaa leedahay xarumo lagu caweeyo sida beerta nabadda oo bulshada degaanku waqtiyada fasaxa iyo farxadaha ay ku kulmaan.
Amnigu waa aas-aaska ay magaaladani ku dhisan tahay. Marka laga soo tago nabad-galyada guud ee Dhoobleey, midda shaqsiga ah ayaa sidoo kale ah tu la isku haleyn karo. Hubaashii, ma arag cid fiiro labaad ee celisa marwalba oo aan magaalada la dhex maro qalabkayga taas oo runtii ka dhigan in dadka degaanku noqdeen kuwo la-dhaqanka soo-galootiga aad ugu ilbaxay.
Marka loo eego tirakoob dhawaan la sameeyey, dadka Dhoobley ku nool waxaa lagu qiyaasaa 160,000 oo qof, hayeeshe tiradu si maalinle ah way kasii badnaan kartaa intaas haddii lagu daro dadka socotada ah ee isku kala gudba haddii tirakoobka lagu daro. Waxaana jira adeegyo wacan oo loo diyaariyay socotada sida hoteelo qiimo jaban oo ay ku hoydaan. 7 sanno kahor, halkan kama jirin hoteello sidaa u badan oo ay jiifsadaan socotada, balse qeyb kamid ah kobaca magaalada ayaa ka dhigan dhammeystirka baahiyaha nolosha.
Ku dhawaad 23 iskuul ayaa ku yaal magaalada kuwaas oo laba kamid ah ay yihiin dugsi sare. Waxaa sidoo kale dhagax-dhig ku socdaa Jaamacadda magaalada taas oo la filayo inay buuxin doonto baahida dhanka tacliinta sare ee Dhoobley ka jirta madaama ardayda ka baxaya dugsiyadeeda sare ay wax-barasho jaamacadeed u raadsadaan caasimadda iyo dabcan caalamka intiisa kale.
Su’aalo badan waxaa laga keenaa sida magaaladani oo da’deedu aanay ka badneyn 50 sanno ay dhinaca horumarka aad uga durugsan tahay magaalooyin dhowr ah oo qarni ka badan jirsaday.
Sirta guusheedana waxaan ku celinayaa kaliya dadka degaanka iska leh kuwaas oo goor hore fahmay muhiimadda ay leedahay in Dhoobley noqoto meel u furan qof walba oo Somaali ah – iyada oo aan la eegeyn qabiilkiisa. Dadka halkan ku nool waxay ku faanaan inaysan aqoon wax la yiraahdo qabyaalad iyo nintooxsi. Waana markii aan weydiiyay saaxiibkey sababta ganacsiga magaaladu aanu ugu koobneyn dadkeeda, balse ay qeyb ka yihiin Somaalida inteeda kale.
Waxaa aadka iiga cajabiyay, ka qof ahaan, joogitaankayga halkan waa sida ay magaaladani u tahay balad qawaaniin leh oo sharciyada laga soo saaro durba dhaqan-gelin iyo daba-gal loogu sameeyo. Tusaale ahaan, kasokow wacyi-gelinta nadaafadda iyo ol’olaha kale ee magaaladu u baahan tahay, waxaa feersocda sharciyo kale sida ilaalinta anshaxa suubban sida xirashada maryo asturan iyo u xiirashada timaha qaab ikhyaarnimo leh taas oo milgada iyo qaayaha Dhoobley wax badan ku kordhinaysa.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com