Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ibrahim Keita oo maalmo badan kadib xabsiga laga sii daayay

Ciidamada Milatariga ee xooga kula wareegay talada dalka Mali ayaa xabsiga kasii daayay Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Boubacar Keita, oo maalmo badan ku jiray xabsi ay maamulaan milatariga .

Wadamada xubnaha ka ah Urur Gobaleedka ECOWAS ayaa cadaadis xoogan ku saaray saraakiisha milatariga hogaamisa in ay xabsiga kasii daayaan Madaxweyne Ibrahim Keita iyo masuuliyiin kale uu ku jiro Ra’isul Wasaaraha oo u xirnaa.

Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita, ayaa 18-kii bishan xoog looga  tuuray talada kadib markii ciidamada milatariga afgembi sameeyeen, waxa ayna ciidamada xireen Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo badan.

Wadamada dariska la ah Mali iyo dowlada Faransiiska oo saameyn badan ku leh dalkaasi horeyna u gumeesatya dalkaasi ayaa ku cadaadinaya milatariga in xukunka ku wareejiyaan dowlad shibil ah.

Madaxweynaha dib u helay xuriyadiisa ee Ibrahim Keita ayaan la ogeyn sida uu xaalkiisu ka dambeyn doono, waxa ayna Warbaahinta qaarkood ku waramayaan in uu qorsheenayo in dalka isaga tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Shariif ka yiri Xildhibaanadii lagu dhaariyey Kismaayo?

Caydiid Ali

Xog: Dowlada Qadar oo taageero culus u balan-qaaday Farmaajo & Mucaaradka oo..

Caydiid Ali

Doorashadii Kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo gabagabeeyay (Yaa la doortay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---