Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Hay`adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in gaajo iyo macluul daran ay saameyn ba`an ku yeelatay malaayiin qaxooti ah oo ku nool bariga Afrika, kuwaasoo ku tiirsan gargaar cunto.

Waxay sheegtay in saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ay tahay inuu yareeyay deeqdii laga heli jiray deeq-bixiyeyaasha.

WFP ayaa hore 30% u yareysay cuntada amaba lacagihii ay siin jirtay in ka badan 2.7 milyan oo qaxooti ku nool dalalka Itoobiya, Uganda, Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Jabuuti.

“Qaxootiga ayaa gaar ahaan u nugul faafitaanka Covid-19 sababtoo ah xeryo ciriiri ah ayay ku nool yihiin iyagoo aan heysan hoy fiican, isla markaana aan heli karin adeegyo caafimaad, biyo nadiif ah iyo fayadhowr,” ayuu yiri Agaasimaha WFP ee Bariga Afrika Michael Dunford.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo faah faahisay heshiiska ay gaareen Xasan Sheekh iyo Abiy

Cabdi Cade

DF oo ka digtay dhul boob ka socda xarun dan Guud (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta kulan sagootin ah la qaatay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---