Allbanaadir.com
NEWS

La taliyihii Amniga Qaranka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Iscasilay

Waxaa shaqadii ka tegay la taliyihii amniga qaranka ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Liban A. Hussein, sidoo kalana ahaa madaxa qeybta dib-u-habeynta ciidamada, kaas oo bilooyin kooban xafiiska joogay.
 
 
Qorkaal kooban oo twitter-kiisa uu soo dhigay ayuu Liibaan ku sheegay inuu shaqada ka tegay, hase yeeshee ma sheegin sababta inkasta oo warar laga helayo ilo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan inuu cadaadis kala kulmay la taliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka.
 
Liban A. Hussein ayaa shaqada kala wareegay Samiira Gate oo xafiiska ka tagay xilliga laga joogo wax ka yar sedax bilood, waxaana shaqa ka tegistiisa ay iftiimineysaa inuu jiro culeys xoogan oo madaxtooyadu ay soo saartay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wixii ka dambeeyay markii uu meesha ka baxay Ra’iisul Wasaarihii eeday diidanaankiisii waqti kororsi loo sameeyo hey’adaha dowladda.
 
 
Horay waxaa shaqada uga tegay agaasimhii xariirka iyo warfaafinta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kadib markii la faray inuu ka shaqeeyo gadista fikirka la xariira doorasho qof iyo cod ah oo dad badani aaminsanaayeen inay aheyd waddo loo marayo mudo kordhin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga Xisbullah iyo Israel oo qarka u saaran dagaal buuxa ka dib markii..

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo hor istaagay Hanka haweeney xil sare ku matali laheyd Soomaaliya

Cabdi Cade

Iran oo xukun dil ah ku fulisay nin basaas u ahaa Sirdoonka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---