Allbanaadir.com
NEWS

Qalab kala duwan oo maanta lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Sii hayaha Wasiirka Wasaarada Maareenta iyo Masiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa maanta maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay Qalab kala duwan oo loogu tala galay Waaxda samafalka iyo Maareenta Musiibooyinka Dowladda Hoose.

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa Maanta kala Wareegay Wasiirka Maareynta  Qalabkan muhiimka ah ee loogu tala galay la socodka xaaladaha iyo ka digista Musiibooyinka.

Axmed Xasan Iimaan ayaana u mahad celiyay Wasaarada Gar gaarka iyo Musoobooyinka Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna xusay in qalabkan ku shaqeyn doonaan waaxda Dowlada Hoose u qaabilsan samafalka iyo Maareynta musuubooyinka.

Wasaarada Gar gaarka xukuumada Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay agab kala duwan oo loogu tala galay xarumaha ka digista halis-wadareedka ee kuyaala gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Caydiid Ali

Qorshayaal lagu adkeenayo ammaanka magaalada Muqdisho oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Baaq ku saabsan ka badbaadinta Dalka Khalalaasaha siyaasadeed ee dalka oo lasoo saaray

Cabdi Cade