Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Doxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo Janaaso ku tukaday Marxuum Qanyare

Cabdi Cade

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---