Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda Puntland & Jubbaland oo u hogaansamay cadaadiskii beesha caalamka

Madaxda sare ee Puntland iyo Jubbaland ayaa qorsheynaya iney tagaan magaalada Muqdisho bilowga todobaadka soo socda si ay kulamo ula qaataan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow labada hogaamiye.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa iney war murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan marxalada siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka ka soo saaraan kulamo maalmahan uga socday magaalada Garowe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Garowe ugu yimaado Madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse waxaa la sheegay iney taas diideen ayna door bidee iney iyaga Muqdisho tagaan.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu beri ku laabto Kismaayo, ka hor inta uusan todobaadka soo socda booqashada ku imaan magaalada Muqdisho, waxaana arrintan oo dhan ay ka dhalatay cadaadis xooggan oo Deni iyo Axmed Madoobe ka soo wajahay wakiilada beesha caalamka ka dib markii ay diideen ka qeyb galka shirkii Dhuusamareeb 3.

Lama oga in kulanka labada hogaamiye iyo Madaxweynaha Somalia ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton (Sawirro)

Cabdi Cade

Askar ka hor timid Maamulka Axmed Madoobe oo dil & xabsi lagu xukumay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhacdo amniga Garoonka Muqdisho qatar galisay & Wararkii ugu danbeeyay

admin
Taboola Ads ---