Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Kenya oo amray in la xiro Baararka iyo Kalaabyada (Sababta)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa muddo 30 maalin ah ku daray bandowga lagula dagaallamayo faafista cudursidaha coronavirus ee saaran guud ahaan dalkiisa.

Khudbad laga baahiyay telefishanka maanta oo Arbaca ah, ayuu madaxweyne Kenyatta ku sheegay, in cudurka ka yaraaday magaalooyinka balse uu ku baahayo hadda tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ee ka baxsan magaalooyinka.

Wuxuu amray in muddo bil ah la xiro baararka iyo kalaabyada lagu caweeyo, laakin wuxuu kordhiyay dadka ka qeybgali karo xafladaha arooska munaasabadaha aaska.

Waqtil-xaadirkaan, kiisaska la xiriira coronavirus ee dalka Kenya ayaa gaartay 33,016, halka dhimashadu ay mareyso 564, waana mid aad u badan marka la eego dalalka Kenya la deriska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Annette Weber oo Muqdisho timid (Sawirro)

Cabdi Cade

Kursiga Fahad Yaasiin oo la sheegay in uu qabo dhiig badan dadna u dhinteen dartiis !!

Cabdi Cade

Dayuurada Turkish Airlines oo xalay timid Muqdisho & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---