Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Muuse Biixi & danjire Keating oo ka wada hadlay Qodobo xasaasi ah

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating.

 

waxaa lagaga hadlay kulankan arrimo door ah oo ay ka mid ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ergayga QM ee Soomaaliya, Mr. Keating uga warramay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqayso wax kasta oo maslaxadda, danta gobolka iyo guud ahaanba midda caalamku jirto, waxaana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sanadka soo socda qorshaysani ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey.

Kulankaasi ka dib waxa faahfaahin kooban warbaahinta ka siiyey  Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Kulankan uu Madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saleebaan Max’uud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibeda Masar oo ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Dhageysiga Dacwada laga gudbiyay natiijada Doorashada Kenya oo bilaabatay

Cabdi Cade

Trump oo shaaca ka qaaday in Weerarkii ugu xumaa ee abid lagu soo qaaday Mareykanka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---