Tan iyo Markii maamulka Magaalada Cape Town ay ku dhawaaqeen inay biyaha ka dhamaanayaan waxaa magaaladan ku soo jeedsaday indhaha adduunka oo dhan.
Waxay noqotay tii ugu horeysay oo magaalooyinka adduunka ka mid ah oo ay biyaha ka go’aan, waxayna arrintan kusoo beegantay xilli adduunka oo dhan walwal laga qabo isbadalka cimilada.
Balse Naaquude caan ah oo maraakiibta wada oo lagu magacaabo Nick Sloane ayaa sheegay inuu xal u hayo biyo la’aanta Cape Town, wuxuuna soo jeediyay fikrad dad badan ka maqneyd.
Wuxuu sheegay in ay suurtogal tahay in badweynta laga soo jiido buur baraf ah, isaga oo yiri “Markasta waxaa jira kummanaan buurood oo baraf ah oo kasoo go’ay badda aadka u qaboow, kuwaas oo heebaabaya, waana suurtogal”.
Waxa uu sheegay in buurta barafka ah qaboowgeeda lagu sii hayn karin, kadibna loosoo gooshin karo Cape Town si loo dhalaaliyo barafka, biyahana looga isticmaalo.
Hal buur oo baraf ah ayay biyaheeda ku filanyihiin dadka Cape Town muddo sanad ah.
Balse ku xigeenka duqa Magaalada Cape Town Ian Neilson ayaa wali u baahan in lagu qanciyo fikradan, maadaamaa in gooshinka buurta barafka ah kumanaan kiilo mitir aysan ahayn hawl sahlan, isla markaasna qarash yar ku kacaysa.
Dowladda Hoose ee magaalada ayaa dhankeeda wada qorshayaal u gaar ah sida in biyaha badda cusbada laga saaro, iyo ceelal guntoodu hooseyso oo la qodo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com