Raisul Wasaaraha Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu keensado wakhtiga kala guurka waa mid uu ku soo xulanayo aragtida ka dambeysa sababta kaliftay in xilka laga tuurto Raisulwasaare Kheyre.
Wakhtiga kala guurka waxaa baahi weyn loo qabaa istratejiyada lagu dhisayo isbaheysiyo ku saleysan xulafeysi siyaasadeed oo dhiig cusub gelin karta hididiilada lagu rogayo ra’yiga dadka oo rajo cusub gelin karta mustaqbalka mugdiga ah ee madaxda dowladda hadda jirta. Xulafeysigaas oo laga leeyahay labo ujeedo oo kala ah in lagu guuleysto dib u soo noqosho, haddii la waayana ay xukunka yimaadaan qolo ay isbaheysi la leeyihiin oo ugu yaraan badbaadisa xasanadooda iyo hantidooda.
Dad badan ayaa malahoodu siiyey In Madaxweyne Farmaajo uu soo magacaabayo Raisul Wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, waxeyna dadkaas Ilowsan yihiin in Mr Geedi uusan Farmaajo ku dhicin inuu soo magacaabo, maadaama uu shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho u geystey xasuuq uu u adeegsadey ciidamo lagu qiyaasay sideetan kun oo Tigrey ah.
Sidoo kale Mudane Geedii wuxuu dowladdii Cabdullaahi Yusuf ka musuqmaasuqay lacag dhan 32 milion oo Dollar oo uu Sacuuigu ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed, waxaana intaas u dheer inuu khilaafay Madaxweynihiisa, isla markaasna xilka looga cirdeeyey musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan, isaga oo sabab u ahaa dhalashadii ay ku soo ifbaxeen Al shabab oo bedeley wadaadadii Maxaakiimta Islaamka, taasoo ka dhigtay dadaaladii beesha caalamka hal bacaad lagu lisay, iyo ugu dambeys isagoo xulafo la ahaa wakhtigiisa dowladaha Kenya, Itoobiya, iyo Sacuudiga.
Wakhtigan hadda la joogo aad ayey u adag tahay in la helo Raisul wasaare badbaadiya xilka Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ku qancin kara wanaag laga waayey Farmaajo saddex sano iyo bar inuu 6 bilood iyo weliba bilo kale oo dheeriya uu ku keeni karo rajo lagu mayri karo xumaantii horeysey. Raisul wasaarahaas waxaa ku adkaaneysa inuu taageero libin leh ka helo maamul goboleedyada mucaaradka ah, xisbiyada siyaasadeed, ururada rayidka, iyo taageero shacab. Maxaa yeelay, intuba waxey mudo dheer u soo jeedinayeen in laga talo geliya siyaasaddaha looga arrinsanayo masiirka ummadda oo ay kala kulmeen inkiraad iyo diidmo, iyo in taas bedelkeeda ay taladii isku soo koobeen koox yar oo talowadaag la noqotay Itoobiya iyo Qatar.
Madaxweyne Farmaajo kuma guuleysanayo damaciisa uu ku doonayo in dib loogu soo doorto oo uu helo raisul wasaare awooda iyo hantida dowladda ugu sameeya ololahiisa doorashada. Fashilka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo waxaa tilmaan u ah madaxdii xilka uga horeysey oo uu bahdilaad liidata kula kacay oo uu maanta weydiisanayo iney awooda xulafo kula noqdaan oo wixii tacadiyo loo geystana cafis looga dalbanayo oo kharashyadii ay galeen laga bixinayo magdhow, shukaansigaas oo u muuqda mid lagu musuqmaasuqinayo dareenkooda kacsan iyo damiirka isku xiraya isbaheysiyadooda. Lacagta Qatar waxey mariinka doorashada ku tahay jidgooyo khatar ku ah xalaalnimada ay u qabsoomeyso iyo laaluushka siyaasadeed oo lagu abuurayo musuqmaasuq loo adeegsado khilaafyo la dhex dhigo isbaheysiyada siyaasadeed, maamul goboleedyada, xildhibaanada baarlamaanka, ururada rayidka, beelaha waaweyn dhexdooda, midowga dhaqdhaqaaqyada wadaniyiinta, iyo xisbiyada siyaasadeed.
Waxaa Qoray:
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA
Fiiro gaar ah: Qoraalkan kama turjumayo aragtida allbanaadir online, wuxuu gaar u yahay fekerka qoraaga ku saxiixan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com