Allbanaadir.com
NEWS

Gaas & Xaaf oo ku biiray madaxda dowlad goboleedyada ee gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ahna Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaarey magaalada Baydhabo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Gaas ayaa ka qeyb galaya doona shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo inuu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa isna gaarey magaalada Baydhabo.

Garoonka Dayuuradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxda Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa horay u gaaray Baydhabo saaka halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo War ka soo saartay Shirka Muqdisho & qodobo laga dalbaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo la saftay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Ujeedka uu ka leeyahay oo la ogaaday !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---