Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga iyo Gariiga oo sameenaya Dhoolo tus sababi kara in ay isku dhacaan

Dowladaha Turkiga iyo Gariiga oo xiligan xiisad siyaasadeed u dhaxeyso ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay sameenayaan dhoolo tus milatari oo sababi kara in ay isku dhacaan ciidamada labada dal.

Labada dal oo khilaafkooda sii xumaanayay ayaa ku dhawaaqay in dhoolo tus milatari ka sameenayaan jaziirada Crete, waxaana labada dal doonayaan in dhoolo tuska kusoo bandhigaan awoodooda ciidan.

Dowlada Turkiga ayaana digniin xoogan u dirtay Maraakiibta Gariiga ee ku sugan aaga Jaziirada Crete, waxaana jirta cabsi laga qabo in dhoolo tuskan labada ciidan sameenayaan uu sababao gacan ka hadal.

Turkiga iyo Griigga oo ah laba dal oo daris ah sidoo kalw ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa haatan isku khilaafsan Saliidda iyo Gaaska Turkiga ka  helay inta u dhaxeeysa Jaziiradaha Crete iyo Khubrus.

Wasiirka arimaha Dibadda Jarmalka ayaa lagu wadaa in maanta tago dalalka Gariiga iyo Turkiga si uu labada dal ugala hadlo sidii loo qaboojin lahaa xiisada taagan wadahadala loogu dhameyn lahaa xiisada labada dal u dhaxeysa.

Dowladaha Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya keydka Gaas islamarkana waxay isku khilaafsan yihiin cidda xaqqa u leh goobo muhiim ah oo ku yaalla bariga badda Mediterranean-ka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Sirta ka Dambeysa Safarada Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Eritrea iyo Xogo badan oo…

Cabdi Cade

Maraykanka oo kashifay qorshe halis ah oo Ruushku ka damacsan yahay Ukraine

Caydiid Ali

Daawo:-Laftagareen oo markii ugu horeysay hanjabay & qaylo dhaan ka soo yeertay Aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---