Allbanaadir.com
NEWS

Lacag Dahab ah oo Kun sano kahor la isticmaali jiray oo la helay (Daawo Sawirada)

Goobo taariikhi ah oo ku yaalla Bartamaha Israa’iil ayaa laga helay lacago Shilimaad ah oo ka sameesan Dahab, lacagtan ayaana la rumeesan yahay in halkaasi lagu aasay 1,100 sano ka hor.

Dhalinyaro is xilqaantay oo qoday goobo taariikhi ah ayaa helay lacag badan oo shilimaad dahab ka sameesan, lacagtan ayaana la isticmaali jiray xiligii Khilaafadii Cabaasiyiinta oo ku fiday aaga lacagta laga helay.

Lacagtan shilimaadka ah oo culeeskeedu dhanyahay 845g,  ayaa la tilmaamay in xiligeedii aheyd lacag aad u badan oo lagu iibsan karay qasri qaali ah, lamana oga cidii lacagtaasi halkaasi ku aastay hadana uga tagtay.

”In la helo shilimaad dahab ah, oo cadadkoodu intaan la eg yahay, waa arrin aad dhif iyo naadir u ah. Waxay u badan tahay in aan weligeed laga helin meelaha taariikhiga ah ee la qodo, iyadoo la og yahay in dahabka uu markasta qiimo lahaa. Waa la dhalaaliyay, waxaana isu soo dhiibay jiilal badan,” aya alagu yiri qoraalka kasoo baxay dhalinyarada heshay lacagtan.

Robert Kool, oo khabiir ku ah lacagta shilinka ah, wuxuu sheegay in lacagta ay ka kooban tahay Dinaar buuxa iyo sidoo kale 270 shilin oo yaryar – shilimaadka yaryar ee dinaarka waxaa loo adeegsanayay “baaqiga soo noqda ee sarifka ah”.

Dad badan ayaa goobaha taariikihga ah ka raadiya waxyaabo ay aaminsan yihiin ay ka tageen dadkii goobhaaasi kunoolaa kumanaan sano kahor, waxaana marar badan la helay waxyaabo taariikhi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoraal lagu soo xiray Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo Shaaciyay in dalal Awood iyo Dhaqaalo heesta faro galin ku hayaan dalkiisa

Cabdi Cade

Saraakiil iyo Ciidamo kusoo dhaawacmay dagaalka Guriceel oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---