Waxaa shalay galab howga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay taliyaha Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin .
Xasan Sheekh iyo Fahad ayaana kulan gaar ah oo albaabada u xirnaayeen yeeshay, waxaana la sheegay in kulankan dhax maray Xasan iyo Fahad in uusan aheyn mid siyaasadeed balse aheyd booqasho sharafeed.
Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo katirsan Xisbiga UPD uu Hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa sheegay in kulanka uusan aheyn mid siyaasadeed balse uu ahaa booqasho sharafeed uu soo codsay taliyaha NISA oo saaxiib hore ahaayeen Xasan Sheekh.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in Fahad Yaasiin isku dayay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya kala hadlo arimo siyaasadeed balse Madaxweynuhu ka diiday kana codsaday taliyaha in uu ku ekaado arimaha amaanka farahana kala baxo siyaasada.
“Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya”ayuu yiri Sanbaloolshe.
Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in Xisbiga UPD iyo Madasha xisbiyada Qaran aysan xiligaan diyaar u aheyn dowlad wadaag , balse loo baahan yahay in laga wada hadlo arimaha dib u heshiisiinta iyo sidii u dhici laheyd doorasho raali laga wada yahay.
Kulanka dhax maray Xasan Sheekh iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo awood badan ku leh DF ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah oo la filayo in la magacaabo Ra’isul Wasaare sidoo kale la isku diyaarinayo doorasho dadban.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com