Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ninkii Muslimiinta ku laayey New Zealand oo mar kale Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand waxaa maanta oo Isniin ah ka bilaabatay dhageysiga maxkamadda Brenton Tarran oo dad badan oo Muslimiin ah ku laayay Masaajido magaaladaasi ku yaalla sanad iyo bar ka hor.

Brenton oo u dhashay dalka Australia ayaa aaminsan sarreynta caddaanka, waxaana uu 15-kii March 2019, toogasho ku dilay 51 qof oo Muslimiin ah kuwaasoo salaaddii Jimcaha ku dukanayey masaajiddo ku yaalla magaaladaasi.

Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa qof Soomaali ah, waxaana xasuuqa uu ku kacay ninkan uu caro badan ka dhaliyey caalamka haba ugu badnaatee dalalka Islaamka ah.

Brenton Tarran ayaa la filayaa inuu wajaho xukun xabsi daa’in ah, wuxuuna noqonayaa qofkii ugu horeeyey ee xukun sidaas u adag lagu rido dalka New Zealand oo ka mid ah dalalka ugu amniga fiican caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo bandhigay guulo Xukuumadiisa gaartay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo si kulul uga hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---