Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo dilay Xubno katirsan Al Shabaab oo la sheegay in qaraxyo diyaarinayeen

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo mudooyinkii lasoo dhaafay falal amaan daro owgeed loo mari waayay.

Ciidamadan oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka iyo hub kale oo badan ayaa shalay maray laamiga Dheer ee isku xira Muqdisho iyo Jowhar, waxa ayna ciidamada inta ay jidka ku jireen wadeen howlgalo miinooyinka uga saarayeen wadooyinka qaar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u sheegay in ciidamada inti ay howlgalka ku jireen ku guuleesteen in miinooyin badan soo saaraan.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in ciidamada Danab deegaanka Ceel Geelow ku toogteen sadex nin oo katirsan Al Shabaab kuwaa uu sheegay xiliga la dilayay in ay wadada ku aasayeen miinooyin.

Howlgalkan ciidamada Danab ka sameeyeen inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayuu sheegay Gaashaale Ismaaciil in uu yahay mid Al Shabaab looga sifeenayo aagaasi oo mudooyinkii dambe noqotay meel cabsi darteed loo mari waayay.

Ciidamada Danab oon horey uga howlgali jirin Shabeelaha Dhaxe ayaana la geeyay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle, waxa ayna ciidamadan fariisimo ka sameesteen garoonka diyaaradaha Jowhar .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Jubbaland oo amar culus ku soo rogay ganacsatada Kismaayo (Akhriso)

Caydiid Ali

Hoobiyaal saakay lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Axmed Karaash: “Shacabka reer SSC awalba garab istaag kamay filayn Xamse”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---