Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgalada sugitaanka amaanka magaalada Muqdisho ,kadib markii ay soo kordheen cabsi laga qabo in Al Shabaab magaalada ka geestaan qaraxyo iyo weeraro kale.
Laamiga Makka Al Mukaraka ayaa lasoo dhigay baro koontarool hor leh oo lagu baaro gaadiidka nuucyadiisa kala duwan, ciidamada booliiska ayaana si adag u baaraya gaadiidka wadadaasi maraya.
Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale howlgalo roondo ah kawada xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada mararka qaar xirtaan wadooyin iyagoona halkaasi ka bilaaba baaritaano.
Koontaroolada cusub ee lasoo dhigay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo howlgalada booliiska wadaan ayaa la sheegay in ay tahay mid lagu xoojinayo amaanka caasimada maalmihii lasoo dhaafay dabac ka muuqday.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in booliiska baadi goob ugu jiraan gaadiid la sheegay in qaraxyo saaran yihiin oo Al Shabaab doonayaan in qaraxyo uga geestaan bartilmaameedyo kuyaala magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho dhawaan ka geestay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen Hotel kuyaala Xeebta Liido, waxaa sidoo kale Al Shabaab weerar qorsheesan ka fuliyeen gudaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com